Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki  miyaa imaanaya Muqdisho ?

Madaxwaynaha Eritrea Isaias Afwerki  miyaa imaanaya Muqdisho ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo lagu wadaa in toddobaadkan soo gaari doono muqdisho Sidoo kale madaxda qaar kamid ah dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wafdi heer caalami ah ayaa imaan doono muqdisho

Inkasta oo si rasmi ah loo ogayn qorshaha ay wafuudan culus u imaanayaan magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xilli guul wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ay kal hore ku dhawaaqday dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Inkasta oo Eritrea aysan ciidamo ka joogin Soomaaliya, balse ay tababartay 5,000 oo askar Soomaali ah oo qaarkood ay weli dalkaas ku sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.