Mahdi Guled Khadar Dalalka deriska sida Somaliland ‘’ Hadal  Buuq badan dhaliyay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Buuq badan iyo sawaxan ayaa mar qura is qabsaday Hall-ka xarunt Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ka dib markii Ra’iisulwasaare ku xigeenkii hore ee dalka Mahdi Guled Khadar uu sheegay in Somaliland ay tahay dal Madaxbanaan.

Hadalka waxa uu sheegay mar  Barlamaanka Soomaaliya ay dood ka yeelanayeen xeerka Hay’adda nabad sugidda Qaranka ee NISA oo horyaala Golaha shacabka ee Soomaaliya.

“Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Mahdi Guled Khadar.

Waxyar ka dib – hadalkan waxaa buuq badan xarunta ka sameeyay qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka , oo ugu danbeyn soo dhaxgalay Guddoonka Golaha oo ku amray in xildhibaanada ay is dejiyaan.

Buuqa xildhibaanada qaarkood ayaa lagu sheegay in ay ahayd toosin ay doonayeen in ay ku sameeyaan hadalka xildhibaan Mahad Guled Khadar oo mar soo noqday Ra’iisulwasaare ku xigeen.

‘’Guddoonka  Golaha shacabka ayaa ku qaylinayay joojiya Buuqa saxid waa la samayn karaa laakiin ma ah inaad miiska garaacdaan ‘’

Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.