Madaxwaynaha Galmudug iyo sida uu uga hadlay la wareegida Ceelhuur.

dhuusmareeb (Raxanreeb ) Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka kacdoonka dib u xoreynta ay ku xoreeyeen deegaanka Ceelhuur.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Maanta u fuliyeen ciidanka qalabka sida, Daraawishta Galmudug iyo ciidamada Kacdoonka shacabka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay deeganka Ceelhuur ee Gobolka Mudug, halkaas oo gabi ahaanba laga sifeeyay kooxda Argagxisada ee Alshabaab.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida, Daraawiishta Galmudug iyo Kacdoonka shacabka ee ka dhanka ah khawaarijta, asagoona sidoo kale Madaxweynuhu dhiirageliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sida iney sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug iyo Guud ahaanba Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.