Xukuumadda Soomaliya ‘’ In ka badan 250  Akoon ayaa xirnay ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Shirjaraa’id ee maanta oo sabti ah magaalada Muqdisho uu ku qabtay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayuu ka  kaga hadlay howlgalada Dowladda ee ka socda  gobolada dalka.

Wasiir kux xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al- Cadala ayaa maanta warfidiyeenka u sheegay in ay xiray  250- Akoon iyo 70-Numbar oo Alshabaab lacagaha loogu dirijiray.

Waxa uu ku soo hadal qaaday shirkiisajaraa’id Wasiir Cadaalla in sidoo kale ay socdaan dadaalo dheeraad ah oo lagu ogoonayo shaqsiyaadka ka tirsan Al- Shabaab ee dadka ku dhibaateynaya  akoonada iyo telefoonada.

‘’ Dowladda iyada oo kaashanaysa shacabkeeda waxa ay ku guulaystay in la xiro akoono lacag sharci darra ah loogu dirayay kooxda Al- Shabaab , laamaha amniga ayaa ku  mahadsan waxaa kaloo socda baaritaano kale  waxaan soo bandhigi doonaa dhawaan ‘’ ayuu yir Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala.

Waxaa uu intaas warkiisa ku daray in ay sii socon doonaan dadaalada ay ku doonayaan in ay ku ciribtiraan kooxda Al- Shabaab oo uu sheegay in ay ku jabeen dagaalka ka socda meelo badan oo dalka .

Leave a Reply

Your email address will not be published.