Garoowe (Raxanreeb ) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday doorashada Madaxwaynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa taas oo qayb ka ah isbedelka Puntland shanta sanno ee soo socota.
Madaxwaynaha Puntland waxaa mar labaad loo doortay Saciid Deni halka Madaxwayne ku xigeenka maamulkaas loo doortay Ilyaas Cusmaan Lugatoor.
Lugatoor ayaa guuleystay ka dib markii uu tanaasulay musharax Faarax Cabdi dhagax oo wareegii 3aad la tartami lahaa.
Ilyaas Cusmaan Lugatoor ayaa helay wareeegii labaad ee doorashada 40 cod halka Faarax Cabdi dhagax oo ah musharaxa tanaasulay ee ku soo xigay uu helay 15 cod.
Mudane Ilyaas Lugatoor oo ka soo jeeda Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame ayaa hadda ahaa wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Xukuumadda Madaxweyne Deni.
Madaxweyne ku xigeen Ilyaas Lugatoor ayaa markii xilka loo dhaariyay booqasho iyo salaan ugu tegay Madaxweyn ku xigeenkii xilka ka sii dagaya ee Puntland Axmed Karaash.
Leave a Reply