Muqdisho (Raxanreeb ) waxaa dhamaaday waqti uu booliska Soomaaliya uu sheegay inuu ay ku egtay in la sii deganaando xarunta dabdamiska ee wadada Saybiyaano ee magaalada Muqdisho.
Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu waday in dadka shacabka ah ay baneeyaan xarunta Dabdamista oo Boolisku uu sheegay in lagu qaban doono howlaha Booliska Soomaaliyeed.
Dadka wali waa ay degan yihiin , waxaana jirta cabsi laga qabo in markale banaabaxyo rabashado wata ay ka dhacan waddooyinka magaalada Muqdisho .
Kol hore dadka shacabka ah ee degan xarunta dabdamiska ayaa dhigay dibadbaxyo ay ku diidan yihiin in ay isaga guuraan halkaas waxaana si xoog ah ku kala eryay ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Warar aan helay ayaa sheegaya in dadka shacabka ah ee halkaas degan ay isku diyaarinayaa in ay xirtaan waddooyinka soo gala halkaas si ay ugu hortagaan in halkaas ciidan ay soo galaan.
Banaanbax halkaas ka dhacay dhawaan waxaa ku dhintay dad shacab ah kuwo kalena waa ay ku dhaawacmeen , waxaan waqtigaas loo soo xiray falkaas Taliyaha Haramacad Fanax.
Sikastaba waxaa farta lagu hayaa wadanaha iyadoo dadka waqtiga uu dhamaaday oo laga cabsi qabo in ciidanka ay sameeyeen howlgal dadka halkaas si qasab ah ay kaga rarayaan.
Leave a Reply