Madaxweyne Xasan Sheekh Berri Ma wuxuu ku sii jeeda Garoowe ?

Madaxweyne Xasan Sheekh  Berri Ma wuxuu ku sii jeeda Garoowe  ?

Muqdisho (Raxanreeb) Garoowe (Raxanreeb) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maalinta beri Khamiis uu safar ku tagay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.


Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu salka ku hayo sidii loo dhamayn lahaa tabashooyin Dowladda Xasan Sheekh uu ka qabo maamul – goboleedka Puntland.


Ilo ku dhaw Madaxtooyada ayaa sheegaya in magaalada Garoowe ay ka socoto qaban qaabada soo dhawaynta Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud , isla markaana aad loo adkeeynayo amniga magaalada madaxda Puntland ee Garoowe.


Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in magaalada Garoowe ay gaareen wafdi horudhac u ah wafdiga Madaxwaynaha dowlada Fedeaalka ee Beri tagi doona magaalada Garoowe.


Xiriirka Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedka Puntland ayaa mugdi soo kala dhaxgalay , tan iyo markii Madaxwaynaha dowladda Federaalka uu Xamse Cabdi Bare u magacaabay Ra’iisulwasaare.
Puntland ayaa dadaal ugu jirtay sidii ay u heli lahayd xilka Ra’iisulwasaarinimo , taas oo markii dambe meesha ka baxday keentayna inuu xumaado xiriirka Dowladda dhexe iyo maamulka Puntland.


Safarka madaxweynaha ee Puntland ayaa noqonayo kiisii saddexaad ee uu ku tegayo maamul goboleedyada, tan iyo markii dib loogu doortay doorashadii 15-kii May, wuxuuna horey u soo booqday dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo sidoo kale Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published.