Adis-Ababa (Raxanreeb) Wararka RBC uu ka helayo magaalada Hargaysa ee Somaliland ayaa sheegaya in dadkii lagu xir xiray xabsiga magaalada Hargaysa cunadii ay ka soomeen.
Hadalkan waxaa warbaahinta u sheegay hoggaamiyaasha mucaraadka ee u ololaynaya in xukunka maamulka si nabad ah la isugu wareejiyo oo aan kursiga la isku dhejin.
Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Waddani, Maxamed Faarax Cabdi ayaa tilmaamay in dadka u xiran xukuumadda Somaliland illaa iyo hadda aan la soo taagin wax maxkamad ah.
Intaas waxa uu warkiisa ku daray in dadkaas ay ku xiran sharci darro ah loona baahan yahay in la sii daayo , maadama hadda cunadii ay ka soomeen.
“Maxaabiistaa Baki sharci darro ayey ku xiran yihiin waa kow, bishii 10-keedi ayaa la xiray nimankaas illaa iyo hadda wax maxkamad ah lama keenin waxaa ku tusineysaa ku tumashada sharciga inta qof la’iska qabsado halkaas lagu xiro,” ayuu yiri xoghayaha.
Dhanka kale magaalada Hargaysa ee Somaliland waxa ka socda kulamo ay leeyihiin , xubnaha siyaasiinta kuwaas oo ay uga hadlayaan doorashooyinka Somaliand in si nabad ah ay u dhacaan.
Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa haatan wajaheya xaalad cakiran, taas oo ka dhalatay muranka ka dhashay doorashada ee u dhexeeya xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda Biixi.
Leave a Reply