Raxanreeb(Muqdisho)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qorshaha gurmadka, horumarinta iyo xasilinta deegaannada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanku ay kala wareegee Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Golaha Wasiirada in ay mudnaanta koowaad siiyaan ladagaallanka Al-shabaab, Wasaaradaha oo dhana ay kaalin ku yeeshaan dagaalkaas sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay inuu bogaadinayo garab istaag uu sheegay in Shacabku ay u muujiyeen ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
Leave a Reply