Jawaari ma xaaladiisa caafimaad ayaa dalka wax loogu qaban -waayay ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Gudoomiyihii hore Golaha shacabka  Barlamaanka Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa loo qaaday Dalka Turkiga,

Prof:Jawaari ayaa maalmahaanba ku Xanuunsanaa Muqdisho waxaana la dhigay Isbitaalka Digfeer halkaas oo lagu Daweynayay.

xalay ayaa Gudoomiye Jawaari laga Qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Lama sheegin nooca xanuunka ee sababay in Gudoomihii hore ee Golaha shacabka loogu Qaado dalka turkiga.

Guddoomiye Jawaari ayaa maalmahanba ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho , madaxda Dowladda Federaalka ma aysan ka hadlin xaalada Prof Jawaari.

Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa  dalka Turkiga- ku mari doonaa  xaalad caafimaad oo gudaha dalka wali aan la xaqiijin in wax loogu qaban waayay.

Wixii ku soo kordha kala soco.

www.raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.