Qorshaha Xasan Sheekh ee Riyadh & LoolankaSacuudiga iyo Qatar.

Riyadh ( Raxanreeb ) Imaaraadka Carabta oo xiriir ahaan aad u xumaa Dowladdii Madaxwayne Farmaajo  ayaa hadda u muuqda mid ka soo kabanaya sidii uu ahaa markii hore ka dib isbedelkii dalka ka dhacay 15kii May ee sanadkan.

Imaaraadka oo ciidamo fara badan u tababaray hore Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiriirkan cusub ee dib u bilowday doonaya inuu galangal siyaasadeed iyo mid ciidan uu ku yeesho arrimaha Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale safar ku jooga magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga halkaas lagu soo dhaweeyay.

Ujeedka safarka Madaxwaynaha ah ayaa ilo xog- ogaal ah waxa ay sheegayaan in ay tahay sidii gacan ugu heli lahaa xukuumaadda Riyaadh , maadama dalka uu ku jiro dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab , si gaar ah dhaqaallaha lagu dhaqaajinayo howlagalada.

Waxa kaloo Madaxwaynaha uu doonayaa in sidoo kale imaaraadka uu ka heli sidii dalka loogu soo celin lahaa ciidanka ku sugan Asmara kuwaas oo aan la ogayn xiliga dalka ay ku soo noqon doonaan , maadama aan loo- hayn wax dhaqaalla ah oo suurtagalinaya in dib loo soo celiyo.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa maalin ka hor sheegay in dowladiisa ay qaadan doonto balaayiin lacag dayn ah , iyadoo dalka uu la daala- dhacayo dayn fara badan oo lagu leeyahay isla markaana waxa laga dhaqaajiyay ay tahay inta la filyay wax ka yar.

Imaraadka oo maanka ku haya xaaladaha kala duwan ee dalka uu la daala – dhacaya ayaa la leeyahay waxaa uu ku fooraraa sidii ciidanka dalka Soomaaliyeed saamayn ugu yeelan lahaa.

Si kastaba Qatar ayaa horey u joogtay Soomaaliya, oo  saameyn muuqata ku lahayd dalka  mudadii Farmaajo Madaxweyne  ahaa, iyadoo hadda soo wajahay loolan cusus oo aan la sadaalin karin halka uu salka dhigan doona.

Leave a Reply

Your email address will not be published.