Dhaqdhaaq kama jiro magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag .

Dhaqdhaaq kama jiro magaalada Ceergaabo ee gobolka Sanaag .

Ceergaabo(Raxanreeb )ka dib bandow lagu soo rogay magaalada Ceergaabo ee Somaliland , dadka degaanka ayaa sheegay in saamayn ay ku yeelatay bandowga lagu soo rogay.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in xilliga habeenkii wixii ka danbeeyay 8:00 habeenimo, bandow ay tahay magaalada Ceergaabo dadkuna xili hore guryahadooda ay ku xaroodaan.

Talaabadan ayaa xukuumadda Somaliand u qaatay si looga baaqsado cabsi laga qabo in dadka ay is abaabulaan oo ay dhigaan banaanbaxyo rabashado wata.

Dadka degaanka ayaa ka godoodsan sidoo kale dil loo gaystay rayid oo ay ku lug leeyihiin xubno ka mid ah Xukuumadda Somaliland kuwaas oo dalbanaya in cadaalad heleen.

Saraakiisha Somaliland ma faah faahin xaalada bandowga, waxaana magaalada dhexwareegaya baabuur ciidan oo dadka ogaysiinaya in magaaladu ay bandowtahay.

Magaalada dadka ku nool ayaa sheegay in talaabada ay qaatay xukuumadda Somaliland saamayn xoog badan ay ku yeelatay nolosha iyo ganacsiga dadka degaanka

Dhinaca kale, shacabka ayaa dalbanaya in cadaalada la horgeeyo guddoomiyaha gobolka Sanaag oo ciidan uu watay ay dilka gaysteen, loona haysto in uu isagu dilka amray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.