MANDHEERA : Faahfaahinta qarax ka dhacay Hotel ,khasaare ayaa jira.

MANDHEERA : Faahfaahinta qarax ka dhacay Hotel ,khasaare ayaa jira.

Mandheera  (Raxanreeb )- Magaalada Mandheera ee waqooyi bari Kenya waxa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay halkaas  qarax khasaare gaystay.

Waxa   uu ka dhacay qarxan  bartamaha magaalada gaar ahaan Hotel halkaas ku yaalla.

Goobta waxa soo gaaray ciidanka amniga magaalada Mandheera halkaas oo dad badan ay ka qab qabteen oo ay ku tuhmayaan qaraxa.

Qaraxan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan, islamarkaana ay dad ku dhinteen, inkasta oo weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu le’eg yahay khasaaraha.

Weli faah-faahin dheeraad ah lama helin, iyada oo lasoo werinayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac.

Leave a Reply

Your email address will not be published.