Wanlaweyn (Raxanreeb )- Degmada walawayn ee Shabeellaha hoose maanta oo Isniin ah waxaa ka dhacay fal argagax leh ka dib markii nin xaaskiisa uu ku dilay degmadaas sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Haweenaydan ayaa u dhashay ninka toogtay afar caruur hase ahaatee mar hore ayaa la sheegay in ay kala tageen.
Goobta uu dilka ka dhacay oo ay soo gareen ciidanka amniga degmada Wanlaweyn ayaa sababtay in isagana goobta lagu toogto ka dib markii uu sameeyay iska caabin.
Dhacdadan ka dhacday degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa dhalisay murugo iyo hadal heyn badan, waxa ayna dadka aad uga naxeen carruurta mar qura waayay hooyadood iyo aabahood.
Dilalka ka dhax dhacaya qoysaska Soomaaliyeed dhaxdooda ayaa muddooyinkan dambe si weyn ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya, waxa ayna dhacdooyinkan noqdeen kuwa argagax badan ka dhax abuuray bulshada Soomaalieed dhaxdooda.
Leave a Reply