Markab sida qamadi kana yimid Ukraine ayaa ku xirtay Jabuuti.

Markab sida qamadi kana yimid Ukraine ayaa  ku xirtay  Jabuuti.

Jabuuti (Raxanreeb ) Xeebta magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti , waxaa gaaray Markad sida qamadi kaas oo ka soo baxay dalka Ukrain halkaas oo uu ka socdo dagaalka Ruush-ka dalkaas uu ku qaaday.

Markabkan oo lagu magacaabo Brave Commander oo ku gooshayey calanka dalka Lubnaan ayaa ka soo abxay maalintii Salaasada ee 16 Ogoosto dalka colaadu ay ka socoto ee Ukraine .

Waxaa lagu soo waramayaa in Markab oo lagu magacaabo Brave Commander uu ku gooshayey calanka dalka Lubnaan kaas oo maalintii Salaasada ee 16 Ogoosto ka soo baxay Ukraine.

22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa la sheegayaa in ay halis ugu jiran in ay macaluul , loona baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha wax looga qabto.

Hay’adda WFP ayaa sheegtay in loo baahan yahay in wadamada Geeska Afrika loo baahan yahay in ay soo garaan Gurmad deg deg ah si looga baaqdo in xaaladda jirta ay isku bedesho macaluul.

”Qamadigan kuma filna inay la tacaalaan dhibaatada hadda jirta ee ka dhalatay abaarta, balse waa bilow, sida laga soo xigtey hay’adaha gargaarka ” sidaas waxaa sheegay , sarkaal u hadlay Hay’adda WFP oo u waramay wakaalada warara AFP.

Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku dhuftay abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah. Waddamadan ayaa aad ugu tiirsan qamadiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.