Garbaharay (Raxanreeb ) Magaalada Garbaharay ee gobolka Gedo waxaa lagu dilay masuul ka tirsan maamulka magaalada sida ay ku warameen dadka deegaanka.
Dilkan ayaa loogu gaystay magaalada Garbahaaray Gudoomiye waaxeed lagu Magacaabi jiray Maxamed Sheekh .
Saraakiil ka tirsan maamulka magaalada Garbaharay ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeeyaan kooxda Al- Shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha ayaa xiliga la dilayey, ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalo Xaafada Xaashiweer ee Duleedka Magaalada Garbaharey.
Magaalada Garbaharay ee gobolka Gedo waxaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan howlgal lagu sugayo ammaanka magaalada , mana jirto cid loo soo qabtay dilka.
Dhawaan gobolka Gedo waxaa lagu dilay qarax miino Taliyihii Nabad sugidda gobolka Gedo , waxaana Taliska NISA uh ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo.
Leave a Reply