Ra’iisulwasaare Xamse “Laba jiho ayaa lagala dagaalamayaa kooxda Al- Shabaab “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ra’ iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’ an tahay in cagta mariso kooxda Al- Shabaab.

Ra’ iisulwasaare Xamse Cabdi Bare ayaa sheegay in Dowladda ay balanqaadayso in dhinacyo badan ay kala dagaalanto kooxda Al- Shabaab oo uu sheegay in laga saaray meelo badan oo dalka ah.

Xamse waxa uu sheegay in xukuumadda ay qorshaha kowaad uu yahay  la dagaalanka Al-Shabaab ilaa laga suuliyo dalka, si dadka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo sharaf.

” Way dhamaatay markii Al- Shabaab ay sii wadi lahaayeen faafinta fakarka qaldan , waxaa la joogaa markii laga guulaysan lahaa waana laga guulaystay waa u jeedaan maanta sida ay yihiin ” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Bare.

Hadalkan ayaa yimid markii shalay Ra’ iisulwasaare Xamse Cabdi Bare ka sheegay mar uu booqanayay Degmada Aadan- Yabaal oo maalmo ka hor laga saaray Al- Shabaab .

Leave a Reply

Your email address will not be published.