Maxaa hakiyay howlagalada ka dhanka Al- Shabaab ee ka socday dalka ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Waxaa muuqanaysa in hakad uu ku yimid dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ee ka socday – gobolada qaar ee dalka.

Dagaalkan oo bilowday bartamihii sanadkii hore ayaa hadda u muuqda mid gabaabsi ah oo dowladdu ay ka hakisay howlgaladada dardarka ku socday ee ka dhanka ah kooxda.

Dowladda Federaalka ah Soomaaliya oo ka hadashay hakadka howlgalka ku yimid ayaa sheegtay in tani ay la mid tahay in wajiga kowaad ay soo afmeereen.

Xuseen Sheekh Cali, oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la qaadi doono wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab.

“Waxaan isku diyaarinaynaa wejiga labaad. Ayada oo ay nagu soo biirayaan ciidamo dheeraad ah oo aan qeyb ka aheyn ATMIS oo na taageeri doono, waxaan ku jirnaa xilligii qorsheynta, waa taas sababta hakadka keentay,” ayuu yiri la taliyaha amniga Xasan Sheekh Maxamuud.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray la taliyaha amniga Xasan Sheekh in Al – Shabaab ay ugu tagi doonaan xaafad kasta iyo magaala kasta oo dalka ah sida uu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Soomaaliya ay hakisay howlgaladii xooganaa ee ka socday dardarka ee ka dhanka ahaa kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.