Laascanood : 210 -qof  ayaa ku geeriyootay dagaalka galay 24- ka maalmood.

Laascanood ( Raxanreeb ) Waxaa sii kordhaya tirada dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka ka sii socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool.

Dagaalka oo sii socda ayaa keenaya in khasaaraha jira markasta uu kordho isla markaana la soo wariyo tiro badan oo dhimasho ah.

Wararka horudhaca ah ee laga helayo magaalada Laascanood ayaa sheegay in ugu yaraan 210 qof ayaa ku dhintay iska horimaad socday muddo 24 maalmood  ah.

“210-qof oo shacab ah ayaa ku dhintay 680-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalkaas oo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo bulshada deegaanka Laascaanood ” sidaas waxaa sheegay duqa magaalada Laascanood C/raxiim Cali Ismaaciil .

Dagaalka ka sii socda magaalada Laascanood ayaa walaac ku keenay beesha Caalamka kuwaas oo si ku celcelis ah ugu baaqaya in la joojiyo dagaalka wax kastana muhiim ay tahay in lagu dhameeyo si nabad ah.

Dagaalka xalka laga gaarin ee ka sii socda magaalada Laascanood ee gobolka Sool  ayaa ka dambeeyay  markii odayaasha gobolka Sool  ay soo saareen bayaan ay ku taageerayaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,  maamulka Somalilandna ,  ka codsadeen inay ciidankoodaa kala baxaan deegaankaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.