TPLF oo aqbalay wada hadalka Midowga Africa uu ku baaqay

Addis Ababa (Raxanreeb) — Malleeshiyaadka Tigray ee TPLF ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in madaxda sare ee Tigray ay aqbaleen casuumaadda wadahadallada nabadeed ee uu ku baaqay Midowga Africa.

TPLF ayaa waxay waydiisteen Midowga Africa in la caddeeyo cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa shalay aqbashay si shuruud la’aan ah wada hadallada in miiska la isku yimaado ayadoona uu hadlay afhayeenka ra’isul wasaare Abiy Ahmed, Redwan Hussein.

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadka toddobaadkan, kaas ujeeddadu tahay in lagu soo afjaro colaadda laba sanno jirsatay, sida lagu sheegay warqad ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Warqaddan ayaa lagu sheegay in Olusegun Obasanjo oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Geeska Afrika uu hoggaamin doono wadaxaajoodka isagoo taageero ka helaya madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika Phumzile Mlambo-Ngcuka.

Isha wararka [Reutes]

Leave a Reply

Your email address will not be published.