Maxay Dowladda ciidan ugu soo daadisay waddooyinka Muqdisho ?

Muqdisho ( Raxanreeb ) Waddooyinka Muhiimka ka ah ee Muqdisho saaka waxaa la soo dhoobay askarta milatariga iyo gaadiid dagaalka ee Madaxtooyada.

Dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa ku waabaraysatay ciidan lagu soo daadiyay luuqyada xaafadaha magaalada Muqdisho

Lama oga in ay saacadaha soo socda ay xiridoonaan.

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin sababaha ciidankan loogu soo daadiyay waddooyinka caasimadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa wadda dadaalo ay ku doonayso in ay wax kaga qabato ammaanka magaalada Muqdisho oo mararka qaar ka dhaca falal amni darro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.