Maxay u xiran yihiin seddax maalin waddooyinka Gaalkacyo?

Gaalkacyo (Raxanreeb ) Dadaalo lagu doonayo in lagu furo wadddooyinka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka soconaya magaaladaas.

Sababaha ay u xirmeen waddooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa ah ka dib markii ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen ciidamo careysan oo u abaabulan hab beeleed oo ku sugan halkaasi.

Maleeshiyaadka gadoodsan ayaa sal uga dhigay cabashadooda hab qaysiga beelaha ee maamulka ka jira magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale maamulka degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa shir ka yeeshay xaaladahan ku soo kordhay magaalada Gaalkacyo oo muddo seddax cisha ah xiran.

Dadka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay nasiib darro ay tahay in 16 sanno ka dib la arko in maleeshiyo hubaysan ay xirteen waddooyinka magaalada taas oo ka dhalatay gadood laga qabo qaybsiga maamulka .

Lama oga sida maamulka degmada Gaalkacyo iyo Odayaasha dhaqanka ay ugu guulaysan karaan xaaladaha ka jira maanta iyo labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada Gaalkacyo.

Si kastaba, waxaan haatan soconaya dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadda, si loo soo afjaro dhaq-dhaqaaqa ciidan iyo xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta Gaalkacyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.