Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda UNOPS u qaabilsan Soomaaliya, isaga oo kala hadlay dardargelinta mashaariicda ku saabsan dib-u-dhiska waddooyinka caasimadda iyo hirgelinta biyo-mareenno tayo leh si xalwaara loogu helo daadadka, biyo-fadhiisiga iyo caqabadaha ka jira waddooyinka.
Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya dhanka dhismaha kaabayaasha ayaa sidoo kale diirada lagu saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta si loogu guuleysto dhismaha waddooyinka iyo biyo-mareennada, maadaama ay tahay caqabadda ugu weyn ee dhanka kaabayaasha ka heysta bulshada caasimadda.
Madaxa hey’adda UNOPS, ee Soomaaliya Mudane Ala’s Namer ayaa sheegay in hawlgalkoodu uusan keliya ahayn dhismaha waddooyin iyo biyo-mareenno, balse ay ku dadaalayaan gudbinta karaanka iyo aqoonta dhanka dhismaha kaabayaasha, si loo soo saaro khubaro Soomaaliyeed oo ku filan hirgelinta iyo gacan-ku-heynta kaabayaasha.
Leave a Reply