Maxkamadda Sare ee Kenya oo amartay in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtay.

Maxkamadda Sare ee Kenya oo amartay in dib loo tiriyo codadkii la dhiibtay.

Muqdisho ( Raxanreeb) Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay 15 goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Maxkamadda ayaa sidoo kale laashay saddex dacwad, oo ay ku jirto dacwad ka timid Ruto, kuwaasoo lagu doonayay in ururka qareenada Kenya laga hor istaago ka qeybgalka dacwada.

Maxkamadda ayaa soo saartay sagaal qodob oo qaabayn doona go’aanka ugu dambeeya, ee la gaari doono 5-ta bisha September.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Martha Koome ayaa fartay madaxa booliska inuu si wanaagsan u sugo amniga wakiillada inta ay socoto howsha kormeerka oo ka dhici doonta meel aan la shaacin.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa diidday codsi uu u gudbiyay madaxweynaha la doortay Kenya ee William Ruto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.