Maxkamadda sare ee Mareykanka oo dhageysaneysa dacwad ka dhan ah Facebook Google Twitter

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo dhageysaneysa dacwad ka dhan ah Facebook Google Twitter

USA (Raxanreeb) — Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhagaysan doonto labo dacwad oo ka dhan ah Shirkadaha Google, Facebook & Twitter kaddib markii lagu eedeeyay in ay qayb ku yeesheen weeraro ah waxa ay reer galbeedka ugu yeeraan “Argagixiso”.

Jadwalka Maxkamadda ee Dhageysiga dacwadaha ay wajahayaan Shirkadaha waaweyn ee Facebook, Twitter & Google waxa uu soo baxayaa dhammaadka October illaa horraanta November 2022 sida ay sheegeen ilo ku dhaw kiiskaan.

Google, Twitter & Facebook waxaa loo heystaa in ay door faafin ah ka qaateen labo weerar oo kala dhacay 2015 & 2017 oo sababay dhimasho & dhaawac, weerarka koowaad waxa uu ka dhacay Magaalada Paris ee Faransiiska waxa ay daacish ku dishay illaa 130 ruux, halka weerarka labaad uu ka dhacay Istanbul Turkiga kuna geeriyoodeen illaa 39 ruux.

Ehelka Nohemi Gonzales oo ah 23 jir u dhashay Mareykanka oo wax ka baranayay Paris ayaa shirkadahaan ku eedeeyay in ay fududeeyeen in barahooda Bulshada ay kasoo dusaan muuqaallada & fariimaha Kooxda Daacish soo duubtay.

Waxa ay ku doodeen waa ehelka Gonzales in ay gabeen kaalintooda oo ah in Bulshada ay ka ilaaliyaan waxyaabaha dhibaatada u keenaya, waxa ay ku doodeen in ay u baahan yihiin lacag magdhaw ah inkasta oo ay arrintaas ku xiran tahay go’aanka Maxkamaddu gaarto.

Shirkadaha Facebook, Twitter & Google ayaa lagu wadaa in ay qabsadaan qareenno ka difaaca eedaha loo jeediyay, marka uu soo dhammaado kiiskaan ehelka Magdhawga ku raadinayaan waxaa Maxkamadda Sare ee Mareykanka laga sugayaa go’aanka ay ka qaadato.

Leave a Reply

Your email address will not be published.