Soomaaliya oo laga gacansiinayo dhismaha Goleyaal deegaan.

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdi ka socday hey’adda laga leeyahay Finland ee FCA.

Kulankan oo uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Saciid Cabdullahi Calasow ayaa waxaa dhanka FCA uga qeyb galay ku xigeenka agaasimaha guud ee hey’adda Tomi Järvinen, madaxa hey’adda ee Soomaaliya Ikali Karvinen iyo mas’uuliyiin kale.

Tomi Järvinen iyo Ikali Karvinen oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday shaqada FCA ee Soomaaliya, sida ay u taageeraan dhismaha goleyaasha degmooyinka iyo arrimaha dib u heshiisiinta, iyada oo ammaanay howlaha ka socda Galkacyo. Mas’uuliyiinta FCA ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha banii’aadnimada iyo barnaamijyada ay ka fuliyaan Baydhabo iyaga oo taageerayey deegaankaas, haddana ballan qaaday in ay siin doonaan gargaar dheeraad ah.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa hay’adda FCA ku ammaanay shaqada ay ka qabtaan Soomaaliya, isaga oo soo qaatay in dowladda ay waddo qorsheyaal dib u habeyn loogu sameynayo hannaano kala duwan oo ay ku jirto mideynta hannaanka gargaarka, sida ay uga go’an tahay ballaarinta dhismaha goleyaasha degmooyinka iyo dhiirigelinta guud nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Wasiir Fiqi waxaa uu hey’adaha caalamiga oo ay ka mid tahay hey’adda FCA ay kala shaqeeyaan wasaaradda arrimaha xasillinta iyo nabadeynta ee deegaannada laga xoreeyey Al-shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu ugu dambeyntii ka hadlay xaaladda abaaraha ee dalka isaga oo faray in ay hey’adaha gargaarka ay si simman u tagaan dhammaan maamullkada iyo deegaannada kala duwan, waxaa uuna adkeeyey in la mideeyo dadaallada gargaarka si looga baxo xaaladda khatarta ah ee abaaraha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.