MD Xasan Sheekh ”Deni waa in uusan isku dayin muddo kororsi ”

MD Xasan Sheekh ”Deni waa in uusan isku dayin muddo kororsi ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo oo salaadda Jumcaha kadib Khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa madaxda Puntland ugu baaqay in ay tix galiyaan rabitaanka shacabka, ayna dhageystaan talada siyaasiyiinta iyo dhaqanka deegaanka, kadib markii uusoo ifbaxay khilaaf ka dhashay doorashada.

Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, wuxuuna hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo khal-khal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda ay qaaday tallaabbooyin ka dhan ah la-dagaallanka musuq-maasuqa islamarkaana ay bilaabayso qorshe qaran oo lagu ilaalinayo ammaanada shacabka, waxaana uugu  baaqay hey’adaha dowladda in ay ka digtoonaadaan wax waliba oo keeni kara musqmaasuq iyo wax isdabarin maaliyadeed intaba.

“Beesadii dadka ma jirto oo waa laga soo qaaday, Daarahaas magaalada ku yaallo ayaa ku dhisan oo aan garaneyno, Sartii hebel waaye ayaan leenahay, waxaa ka sii xun kii inta lacagta qaaday Kenya uga dhistay ama ugu gatay Apartment ama Dubai la aaday, kaas ayaa ka sii xun, waxaan rabnaa dadka Soomaaliyeed Croption-ka inaan la dagaalano ayuu yiri”

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Puntlanda ay ka taagan tahay khilaaf u dhaxeeya madaxda iyo mucaaradka oo ku aadan doorashooyinka, waxaana madaxweyne Deni uu sheegay ina ay doonayaan in Puntland markii ugu horeysay dadku u dareeraan doorasho qof iyo cod ah, waxaana ka dhashay khilaaf xooggan hannaanka loo marayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.