Muqdisho, Carruur ku geeriyootay Guri qadiimi ah oo ku dumay.

Muqdisho, Carruur ku geeriyootay Guri qadiimi ah oo ku dumay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Inta la xaqiijiyay afar caruur ah oo isku qoys ah ayaa ku geeriyootay guri qadiimi ah oo ku dumay saaka oo sabti ah  magaalada Muqdisho.

Gurigan ayaa ku yaala degmada Shangaani oo ah guri qadiimi isla markaana aanay helin wax dayactir ah sanado badan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in gurigan mar qura dumay xilli ay hurdayeen qoysaskii deganaa, waxaana si deg deg ah ugu gurmaday dadka dariska la ahaa.

Ilaa haatan maamulka Gobolka Banaadir, kan Degmada Shangaani & mas’uuliyiinta kale ee Dowladda Federaalka kama soosaarin faah-faahin la xiriirta sida uu u dumay gurigaas

Sidan oo kale dhawr jeer ayaa waxaa  dumay  guryo qadiimi ah oo khasaaro uu gaarsiiyay dadkii deganaa guryaas oo ku dhisan degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani iyo Boondheere.

Degmooyinka Gobolka Banaadir waxaa qaarkood ku yaalla Guryo muddo fog dhisan oo aanay intooda badan heli dib u dhis, Roobabka xooggan ee da’ay ayaa cabsi ku beeray qoysaska degen dhismahaas oo ka cabsaday in ay ku dumaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.