Garoowe (Raxanreeb ) Waxaa si aan daahsaarnayn u soo shaac baxay khilaafka ka dhashay wax ka bedelka Dastuurka maamulka Puntland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxwaynaha maamulka Puntland uu wado qorshe uu ku doonayo in xilka ugu qaado wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa.
Arintan ayaa salka ku haysa ka dib markii Wasiirka uu si cad ugu hor yimid qorshe uu Deni ku raadinayo in uu wax ka beddel ku sameeyo Dastuurka si loo kordhiyo tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni uu maalmaha soo socda xilka qaadis ku samaynayo wasiir Juxa islamarkaana booskiisa u magacaabayo Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
Madaxwaynaha maamulka Puntland ayaa maalmo ka hor isugu yeeray ururada siyaasadda, isaga oo kala hadlay furitaanka dastuurka ,si ururada kusoo baxaya doorashooyinka dowladaha hoose looga dhigo shan.
Dastuurka maamulka Puntland ayaa qoraya shan tanini waxaa lagu sifeeyay mid Madaxwaynaha hadda talada haya uu ku doonayo muddo kordhin in muddo ah rimanayd.
Leave a Reply