MD Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo & kulamo ka bilowday magaaladaas

MD Xasan Sheekh oo gaaray Kismaayo & kulamo ka bilowday magaaladaas

Kismaayo ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Jubbaland.

Madaxwaynaha waxaa  si diirran ugu soo dhaweeyeen  Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo uu yahay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh sidoo kale  uu tagi doono magaalada Garbahaaray halkaas oo uu ka furi doono shir  dib u heshiisiin ah oo la isugu soo dhawaynayo Kismaayo iyo Garbaharay.

Waa markii ugu horreysay ee uu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.