MUQDISHO : Maxaa ka soconaya xaafadaha qaar ee magaalada.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Waddooyin ka mid ah magaalada Muqdisho waxa la dhigay ciidamo ka tirsan Dowladda si ay uga hortagaan kooxaha dilalka ka gaysta caasimadda.

Talaabadan waxa ay ka danbeysay ka dib markii kooxo hubaysan oo la tuhunsan yahay in ay yihiin Al – Shabaab dilal ay ka gaysteen degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho

Saraakiisha ciidanka Dowladda oo ka jawaab celinaya dilalka caasimadda ka dhacaya ayaa amray in ciidanka ay galaan heegan la xiriira ka hortagida falalka amni darro iyo kooxa gaysanaya dilalka.

Degmooyinka waqooyiga ah ee caasimadda ayaa ah meelaha ugu badan ee ciidanka Dowladda ay ka wadaan howlgaladan sida ay sheegeen dadka ku nool degmooyinkaas.

Hay’ daha Dowladda Soomaaliya ma aysa. Faahfaahin howlgalkan iyo cida ay tahay in ay beegsanayeen , maadama saamaynta howlgalada dadka uu si siman u saameynayo.

Howlgaladan ayaa imaanaya maalin uun ka dib markii Muqdisho koox hubaysan ay ku dileen dad ka badan 10 qof  oo ay bar barsocdeen dhaawacyo la gaarsiiyay dad aan hubaysnayn.

Dowladda Soomaaliya ayaa la daala- dhacaysa wax ka qabashada ammaanka magaalada Muqdisho oo la sheego in ay tahay xaaladii ugu xumayd ee dhanka amniga ah ee waayadan soo marta.

Amni darrada ka dhacaya magaalada waxaa qayb ka ah askarta Dowladda oo dhankooda beegsanaya dadka rayidka si gaar ah waddiyaasha Bajaaj oo 24- kii saac ee la dhaafay siyaabo kala duwan loo dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.