MD Xasan Sheekh & Siyaasiin Gedo oo isku maan-dhaafsan howlgalka Gedo.

MD Xasan Sheekh & Siyaasiin Gedo oo isku maan-dhaafsan howlgalka Gedo.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xogaha aan helaynayo waxa ay sheegayaan in ay culays saarayso siyaasiin ka soo jeeda gobolka Gedo si ay halkaas  uga bilabaan howlgal ka dhan ah Al -Shabaab.

Maalmo ka hor diyaarad ay saarnayeen  siyaasiin uu ka mid yahay xildhibaan Fartaag  oo mar ay aad isugu dhawaayeen Maamulka Jubbaland ayaa loo diiday in ay u duusho gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliyeed.

Xubnahan ayaa doonayay  in degmooyinka gobolka Gedo ay ka bilaabaan shirar kala duwan oo looga hadlayo  hawlgal ka dhan ah Al- Shabaab oo ka bilowda degmooyinka  gobolka Gedo.

Dowladda Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u aragtay siyaasiinta ku sii jeeday gobolka Gedo mid ku furi kara furin dagaal oo siyaasadeed maadama Dowladda  hadda ay ku howlan tahay sugidda ammiga.

Siyaasiinta gobolka Gedo ayaa qorshaynaya si la mid ah in  gobolka Gedo ay ka abaabulaan shirar looga hadlayo maamulka Jubbaland  oo in muddo ahba uu xumaa xirirla  Gedo iyo  Madaxwwayne Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka oo ka feejigan culays kaga imaan – kara Jubbaland ayaa isku dayaysa xakamaynta , shirarka iyo safarada gobolka Gedo taas oo keentay in la joojiyo safarka Gedo ee uu horkacayay xildhibaan Fartaag.

Xogaha RBC uu helayo ayaa sheegaysa in Fartaag iyo siyaasiinta kale ee  Gedo ka soo jeeda ay wadaan kulamo ay ku doonayaan in Madaxwayne Xasan ay kaga dhaadhicayaan sida ay u diidan yihiin nidaamka Axmed Madoobe.

Waxa ay sheegayaan siyaasiinta in Madaxwayne Xasan  tan iyo markii xilka kala wareegay  Madaxwaynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay kala kulmayaan culaysyo kala duwan oo u  baahan in la turxaan bixiyo.

Madaxwaynaha Jubbaland  oo dhawaan samaystay muddo kordhin aan lagu wada- qancin ayaa  in ka badan 10 sanno hoggaanka u haya Jubbaland taas oo keentay in xilligan ay bilowdaan olole isaga ka dhan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.