Khasaare ka dhashay dab ka kacay Muqdisho & Faahfaahinta.

Muqdisho (Raxanreeb ) Dab xooggan ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Talaada ah ka kacay , xaafado ka mid ah Degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in dabkan uu ka bilowday Guri kuyaalla Suuqyaraha degmada Cabdul casiis ka dibna uu ku sii fiday xaafadaha kale ee degmada.

Koronto ayay  goobjoogayaashu ay sheegaan inuu ka dhashay dabkan kaas oo dhamaan baa’biyay  guriga dabka uu ka bilowday.

Gawaarida dab demiska ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweyne kale oo tegay guriga ayaa ugu dambeyn waxaa ay ku guuleysteen inay damiyaan.

Maamulka – degmada oo tagay goobta ayaa sheegay in dadka hantidooda ku baa’baday ay u samayn doonaan gurmad , iyaga oo ku baaqay in la garab istaago si  noloshaada ay ugu soo noqoto si  caadi ah.

Magaalada Muqdisho degmooyin ka mid ah , waxaa maalmihii  la soo dhaafay waxaa aad u yaraaday dabka ka kaca guryaha iyo goobaha Ganacsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.