MILICSI : Inta sanno Diyaaradaha Q.M & ATMIS ay ku degayeen goobaha AS.

MILICSI : Inta sanno Diyaaradaha Q.M & ATMIS ay ku degayeen goobaha AS.

Muqdisho (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay shilka diyaarad Helicopter ah oo u kireysneyd, isla markaana ‘wadday daadgureyn caafimaad’ taas oo ku dhacay deegaan ka tirsan Galmudug, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska UNSOM.

Ma’aha markii ugu horreysay oo diyaarad ay ku dhacdo dhulka Al-Shabaab, waxayna horay u dhacday dhowr jeer oo hore, taas oo keentay in shaki laga muujiyo waxa soo cel-celiyay.

HADADA , aan dib u milicsano inta jeer ee diyaarad ay leedahay Qaramada Midoonay ay ku degtay goobaha ay maamulaan Al- Shabaab.

Sanadkii  2018 diyaarad  u AMISOM /ATMIS ayaa ku dhacday meel afgooye u dhaw oo  ay maamulaan kooxda Al- Shabaab ilaa iyo hadda ma jiraan wax xog laga bixiyay tan iyo xiligaas.

2019  Deegaanka Gardanshe ee Shabeellaha hoose  iyo Ceel saliino meel u dhaxeysay oo ay ku sugnaayeen Al- Shabaab ayaa diyaarad kale ku dhacday waxaana u dhaxeysay labada diyaaradood sanad.

Tuulo  u dhaw deegaanka Bariire oo ay joogaan kooxda Al- Shabaab ayaa 2021 ku dhacday diyaarad kale oo aan laga bixin wax tafaasiil ah tan iyo xiligaas.

2022 meel u dhaw Awdiigle  ee Shabeellaha hoose oo ay maamulayeen kooxda Al- Shabaab ayaa ku dhacday diyaarad kale  taas oo abuurtay shaki badan.

Waa ay sii socdeen dhacdooyinka  2023 tuulo Baraawe iyo Kuntuwaareey u dhow oo AS joogaan ayaa ku dhacday diyaarad kale sanadka ka dib  2024 deegaanka Xiindheere oo AS joogaan ayaa ku dhacday diyaarad kale oo ay leedahay Qaramada Midoobay.

Dhacintaanka ka dib diyaaradaha  wax war ah dib loogama maqlo isla markaana Al- Shabaab kama soo hadlaan sidoo kalana Q.M iyo AMISOM  oo dhamaan diyaaradaha u adeegaya  ma bixinaan faahfaahin.

Arrimahan oo is biirsaday ayaa keentay shaki badan oo laga qabo howlaha ay hayaan , diyaaradaha Q.M iyo ATMIS ee sanadaha  is xig xiga ku dhacaya deegaanada ay maamulaan kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.