Muqdisho (Raxanreeb ) Magaalada Muqdisho maanta waxa ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya, kadib heshiiskii ay wada galeen maamulka Somaliland iyo Itoobiya.
Banaanbaxa oo ay ka qayb-galayaan kumanaan shacab ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa haatan ka bilowday isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Dibad-baxayaasha ayaa ku qaylinaya erayo ka dhan ah Itoobiya oo ku kacday xadgudub ka dhan ah madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Goobaha waxbarashada iyo ganacsiyada ayaa sidoo kale la xiray, kadib markii ay amartay dowladda Soomaaliya oo iyadu soo qaban-qaabisay dibadbaxaan.
Horay reer Muqdisho ayaa u dhigay dibad-bax ay ku diideen heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kaas oo uu soo qaban qaabiyay maamulk gobolka Banaadir.
Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay heshiiska Muuse Biixi Cabdi iyo Abiy Axmed, kaas oo Itoobiya loogu saxiixay 20 KM oo kamid ah badda Soomaaliyeed.
Leave a Reply