MOOSHIN : Xildhibaano doonaya in la kordhiyo muddo xileedka Golaha shacabka !

MOOSHIN : Xildhibaano doonaya in la kordhiyo muddo xileedka Golaha shacabka !

Muqdisho (Raxanreeb )  Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan  Golaha Shacabka ee Barlamaanka  Federaalka ay saxiixeem mooshin ay ku doonayaan in lagu kordhiyo muddo xileedka  uu shaqaynayo Barlamaanka Soomaaliya.

In ka badan 65 Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa saxiixay mooshin lagu kordhinayo in waajibaadka Baarlamaanka Federaalka laga dhigo muddo shan sano ah.

Talaabadan  oo in muddo ahba soo jiitamaysay ayaa  qayb ka ah qorshaha muddo kororsiga sanadka ee ay horay u sameysteen madaxda  maamul- Goboleedyada dalka.

Muddo xileedka Baarlamaanka labada Gole iyo Madaxweynaha oo aanu gaarsin muddo sanad ah , haddana waxaa muuqata in loo  gogol xaarayo muddo kororsi hor leh taas oo keeni doonto khilaaf  hor leh.

Arrintan ayaa guux badan durbadiiba waxa ay ka dhax abuurtay xubnaha  Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya sida  RBC ay u sheegeen qaar ka mid ah xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya.

Muddo kororsigan halka sano ee la diyaarinayo iyo muddo kororsigii labada sano ee horay loo diiday ayaa ku kala duwan waqtiga lagu soo aadiyay, oo xilkan waa la leeyahay dalka waxa uu u jihaystay dagaal ka dhan ah kooxda Al- Shabaab.

Falanqayayaasha ayaa sheegaya in arintan ay keeni doonto khilaaf aan la mahdin doonin oo guud ahaan saamayn ku yeelatay Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Si kasta ahaatee waxaa la sugayaa sida ay noqoto falcelinta lagala hortago muddo kororsigan aan waqtigiisa la gaarin ee ay diyaarinayaan mooshinkiisa xildhibaano ka tirsan  Golaha shacabka ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.