Dowladda Federaalka oo gacanta soo dhigtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Saraakiisha  Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay ingacanta ay ku dhigeen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in Sarkaalkaan la qabtay, isaga oo gaari ku sida agabka qaraxyada lagu sameeyo, kuna howlan kala gudbintooda.

Ciidmada Dowladda ayaa  sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gudaha dalka.

Ciidamada xoogga waxaa ay sheegeen inay ku raadjoogaan Saraakiil kale oo loo sheegay inay ku sugan yihiin aaga degaanka Camaara ee Gobolka Mudug.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen Gobolka Mudug

Leave a Reply

Your email address will not be published.