MOSCOW : Putin oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday Ruush-ka

MOSCOW : Putin oo ku guulaystay doorashadii ka dhacday Ruush-ka

Moscow (Raxanreeb )- Markale waxa dalka Ruush- ka Madaxwayne loo doortay Vladimir Putin ka dib doorasho dalkaas ka dhacday sida guddi doorasho oo dalkaas ay u sheegeen warbaahinta.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa  helay 88% codadkii la dhiibtay tirinta codadkii ugu horreeyay ee doorashadii madaxtinimo ee dalkaasi ka dhacday.

Waxay ka dhigan tahay inuu dalkaas uu hoggaamin doono  ilaa ugu yaraan sanadka 2030-ka isla markaana waa markii 7aad ee doorashada uu ku guulaysto Putin.

Doorashadan ayaa loo arkay dhoolatus aan codbixiyaasha fursad u siinin inay doortaan cid si dhab ah ula baratameysay  Madaxwayne Vladimir Putin.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa dalkaasi gacan adag ku hayay, isla markaana caburiyay mucaaradka iyo kuwa naqdiya siyaasadiisa, muddo 24 sanadood ah.

Hoggaamiyeyaal badan oo reer galbeed ah ayaa cambaareeyay doorashada iyagoo ku tilmaamay mid aan xor iyo xalaal ahayn, waxaana kamid ah madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo Putin ku tilmaamay kaligii taliye.

Putin, oo 71 jir ah, isla markaana markii ugu horreysay noqday madaxweyne maalintii u dambaysay ee 1999-kii ayaa horeba u ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Ruushka tan iyo Joseph Stalin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.