Labada Aqal ee Barlamaanka oo dood adag ka yeeshay Dastuurka.

Labada Aqal ee Barlamaanka oo dood adag ka yeeshay Dastuurka.

Muqdisho (Raxanreeb )-  Xildhibaanada Labada  Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah markale dood adag waxa ay ka yeesheen wax ka bedeka Dastuurka KMG ah ee dalka.

Doodan ayaa qayb ka ah doodo mudanayaasha Golaha shacabka in maalmahanba ay ka leeyihiin arrimaha Dastuurka oo ay ka taagan tahay khilaaf adag isla markana la kulmay diidmo.

Xildhibaannada golaha shacabka iyo Sanatarrada waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada 1-aad iyo 2-aad ee Cutubka 4-aad oo la xiriira doorashooyinka iyo matalaada Shacabka.

“Dastuurka hadii uusan gaareen Afgooye wixii aan ansixinay hadii aysan gaareen Number 50,Dastuur miyaa laga shaqeyn karaa’’  sidaas waxa sheegay Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray kulanka ayaa waxa uu sheegay doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah ay sii socon doonto

Leave a Reply

Your email address will not be published.