Mucjisooyinka  & Sheekooyinka Koobka Aduunka ee Qatar.

Doha (Raxanreeb )  Waxaa ka furmaya ,  maanta oo Axad ah  cayaaraha koobka Aduunka oo ay ka qayb qaadanayan  32 dal oo ka mid ah Caalamka  waxaana afartii sanno marba la qabtaa cayaarahan.

Kumanaan ka kala socda Aduunyada ayaa ku sugan magaalada Doha , halkaas oo Tan iyo markii dalka Qadar  uu ku guuleystay  martigalinta Koobka Kubadda Cagta Adduunka isa soo tarayay muuqaalada xiisaha leh ee ka imanaya dalkaas yar.

Tartanka 2026-ka waxaa si wada jir ah u martigelin doona Mexico, Canada, iyo Mareykanka, taasoo ka dhigaysa Mexico dalkii ugu horreeyay ee saddex jeer martigeliyay.

Waa markii ugu horeysay oo dalka Bariga Dhexe ku yaalla uu martigeliyo tartanka kubadda cagta ee ugu weyn caalamka.

Waa Taariikh dhacayso Koobkan Adduunka, waayo iyadoo la tixgelinayo qiimaha Qatar gelisey koobkani waxay ka dhigi doontaa Koobka Adduunka ugu qaalisan abid .

Koobkan Adduunka ee sanadkaan lagu qabanayo magaalada Doha ee dalka Qatar waa koobkii adduunka ugu horreeyay ee la qabto xiliga xagaaga

Furitaanka Koobka ayaa lagu daah furi doono  Aayadaha Qur’aanka Kariimka oo qaari aad u da’yar loo xushay , isla markaana waxaa hadalo wacdi ah ka jeedin doona Zaiki Naik oo aad can ugu ah dacwadaha diiniga  kumamaan aduunyada ku noolna la socda.

Waxa kalo laga diwaangaliyay  koobkan sanadkan ka qaybsoomaya magaalada Doha ee dalka ee dalka Qatar Cayaaryahanka ugu da’da yar ee ka qayb galaya World Cup in  sanadkan  uu yahay Yusuf Mukoko oo u dhashay Jarmalka, halka kan ugu da’da weyn-na uu yahay Laacibka Qaranka Mexico Alfredo Talavera.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Qatar ayaa sheegtay iney Koobka Aduunka ku soo bandhigi doonaan qadiyada Falastiin oo ay ku tilmaantey qadiyad xaqa oo waligeed ahaan doonta mid damiirkooda ku jirta.

FIFA World Cup ayaa ah dhacdo si weyn loogu tixgaliyo waana ciyaaraha loogu daawashada badan yahay caalamka oo idil iyadoo ay ugu wacan tahay tirooyinka daawashada rikoorka jabiyay oo ay ku jiraan in ka badan 3.5 bilyan oo daawadayaal ah.

Koobka Adduunka ee FIFA 2022 waa kii 22-aad wuxuu ka dhici doonaa Qatar, isaga oo noqon doonakii ugu dambeeyay oo ay ka qeyb galaan 32 kooxood.

Qarni ka hor, 1922, dalkan yar ee Khaliijka oo ay ku nool yihiin saddex milyan islamarkana dhulka uu ku fadhiyo uu dhan yahay 12,000 oo kilomitir oo laba jibbaaran wuxuu ahaa dhul lama deggaan ah.

W.D Hanad Ali Guled

Leave a Reply

Your email address will not be published.