Barlamaanka  Puntland oo ansixiyey Miisaaniyadda sanadka ee 2023

Garowe ( Raxanreeb ) Maanta oo Axad ah waxa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland kulan   ku yeeshay xubnaha  Golaha Wakiilada maamulka  Puntland.

Guddoomiyaha  Barlamaanka maamulka  Puntland Cabdirishiid Yuusuf Jibriil ayaa shir guddoomiyay kulanta maanta  iyadoo aad loogu dooday miisaaniyada miisaaniyadda  Sanadka 2023.

Wasiirka Maaliyadda ayaa Golaha ka codsaday in la ansixiyo kororka Miisaaniyadda ee dhaqaalaha laga filayo Mashruuca Biyoole kaas oo dhan $1,922,040.

Hadalka Wasiirka ka dib waxaa la guda galay dooda , waxaana ugu danbeyn Mudanayaasha Barlamaanka cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Miisaaniyadda maamulkaas.

Mudanaayasha fadhiga fadhiyey oo ahaa 42 Xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah oggol ugu codeeyeen 41 mudane, diidmo 1, Aamus ma jirin, sidaas ayeyna ansax ku noqotay soo gudbintii Wasaaradda Maaliyadda ee Miisaaniyadda Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.