Muqdisho (Raxanreeb ) Inta badan waxaa la xaqiijinayaa in albaabada ay u laaban yihiin goobo badan oo caasimadda ah oo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya.
Goobo badan oo lagu iibinayay waxyaabaha maanka dooriya ayaa la ogaaday in xilligan ay xiran yihiin , inkastoo ay jiri karaan goobo si qarsoodi ah loogu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.
Tan iyo markii kooxda Al- Shabaab ay sheegeen in caasimadda ay ka bilaabeen howlgal ka dhan ah maandooriyaha iyo cayaal-wereerada waxaa muuqanaysay isbedel sida ay sheegeen dadka caasimadda ku nool.
Ciidanka Dowladda Soomaaliya dhankooda waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan waxyaabaha maanka – dooriya oo caqabad ku ah amniga caasimadda.
Sida aan wararka ku helnay waxaa sidoo kale xirmay biibitooyin kuyaalla qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ,kuwaa ay ku qayili jiray dhallinyaro iyo rag kale oo waa weyn xilliyada habeenkii ah.
Magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale la waayay oo magaalada ku dhuuntay qaar badan oo kamid ah ragii ka ganacsan jiray maan-dooriyaha .
Al Shabaab ayaa magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ku dilay in ka badan 20-qof oo u badnaa dhallinyaro ,kuwaa ay ku eedeeyeen in ay ka ganacsan jireen maan-dooriyaha halka kuwa kalana ku sheegeen in ay ahaayeen ciyaal weero iyo burcad.
Leave a Reply