Magaalada Muqdisho oo lagu dhax dagaalamay & khasaare ka dhashay.

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo koox la rumaysan  yahay in ay ka tirsan yihiin kooxda Al- Shabaab ayaa dagaal uu ku dhaxmaray degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa yimid markii  weerar  gaadma ah lagu qaaday bar kantarool oo ciidanka Dowladda ay  ku leeyihiin degmada Huriwaa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Laba qof ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen weerarkaas oo labada dhinac ah , halka rasaas habow ah ay ku dhacday dad rayid oo la sheegay in  dhaawacyo ay ka soo gaareen seddax qof.

Dagaalka ka dib waxaa xigay bambooyin  kuwaas oo la ogayn khasaaraha kale ee ka dhashay .

Saraakiisha Dowladda oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in weerarkaas  uu ahaa mid ay soo qaadeen koox ka tirsan Al- Shabaab oo qalqal galinaya amniga caasimadda.

Xaalada goobta ay wax ka dhaceen oo ah Baar Jowar,oo ka mid ah degmada Huriwaa ayaa degan waxaana goobta ku sugan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo heegan buuxa ku  jira.

Magaalada Muqdisho waxaa ka soconaya howlgalo ciidanka Dowladda ay ku doonayaan in ay ku sugaan ammaanka , waxaana dhawr mar ka dhacay weeraro gaadma ah oo ay gaysanayaan koocda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.