Charles-ka 3aad ee UK oo la caleema-saarayo & MD Xasan oo loo diiday

Charles-ka 3aad ee UK oo la caleema-saarayo & MD Xasan oo loo diiday

London (Raxanreeb ) Magaalada London ee dalka Ingiriiska maanta waxaa lagu caleema saarayaa boqor Charles-ka 3aad waxaana ka qayb galaya  inta badan madax caalamka oo lagu casuumay munaasabada.

Madaxiisa ayaa maanta  loo gelin doonaa Taajka boqortooyada , taas oo ka dhigan inuu  si rasmi u yahay boqorka dalka Ingiiriiska.

Isaga oo Ilmo yar ah ayaa mar madaxa loo geliyay taajka boqortooyada Ingiriiska waa sanadkii 1953dii, balse riyadaas ayaa maanta u noqoneysa mid dhab ah halka wiilkiisa uu noqonayo amiir dhaxalka taajka ka sugaya.

Madaxda lagu caasuumay waxaa ka mid ah Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  hase ahaatee waa laga  reebay oo ka mid noqon doono madax sharafeedka xaadiri doona.

Villa Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in laga maarmi karo , in Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ka qayb galo Caleema saarka sabab la xiriirta khadka London iyo Muqdisho oo aan isku furnayd.

Waxaa udub dhexaad u noqon doona xafladdan weyn boqor Charles-ka saddexaad, oo indhaha dunidu ay isagu ku foogan yihiin isaga.

In ka badan 5,000 oo ka tirsan ciidamada qalabka sida, ayaa tareen ku yimid magaalada London, ka hor inta aysan gaarin buundada Westminster.

‘Charles  waxaa horyaalla qodobo badan oo ah in uu gacan adag ku hayo si aanay loo tebin Hooyadii oo howshaas heysay halka kuwo kale uu la jaanqaadayo maadaama isbaddel badan uu la kowsaday tan iyo markii Hooyadiis geeriyootaya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.