Museveni oo raalli gelin ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Wiilkiisa

Kampala (Raxanreeb) — Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin guud ka siiyay Kenya, isaga oo cafis ku aaddan haddallo uu Twitteka soo dhigay wiilkiisa Kainerugaba Muhoozi weydiistay Kenya, hadalkaas oo uu Muhoozi si kaftan ah ugu sheegay inuu duullaan muddoo kooban ah ku qabsanayo Kenya.

Hase yeeshee, Museveni waxa uu wiilkiisa u dallacsiiyay General buuxa, kadib markii laga qaaday xilka Taliyaha Ciidanka Dhulka, isagoo sheegay inay jiraan waxyaabo badan oo wax ku ool ah oo uu sameeyay Muhoozi.War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay wax uu ku tilmaamay faragelinta walaalahooda Kenya.

“Waxaan ka codsanayaa walaalaheen Kenya inay naga cafiyaan qoraallada uu soo diray Jeneraal Muhoozi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka ee Uganda, ee ku saabsanaa arrimaha doorashada dalkaas weyn,” ayuu Musevni ku yiri bayaan uu soo saaray.

Waxa uu wiilka Museveni, Muhoozi, bartiisa Twitter-ka ku sheegay in ciidamada dhulka ee dalkiisa ay ku qabsan karaan magaalada Nairobi laba toddobaad gudahood, hadalkaas oo ka caraysiiyay hoggaamiyeyaasha mucaaradka Uganda iyo dad badan oo Kenyan ah.Wasaaradda arrimaha dibada Uganda ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay iskaga fogeysay hadalkaasi.

Dabayaaqadii bishii July, taliska ciidanka Uganda ayaa iska fogeeyay qoraalo uu qoray Muhoozi Kainerugaba oo uu ku taageerayay Jabhadda Xoraynta Shacabka Tigray TPLF ee Itoobiya, isaga oo sheegay in qoraallada twitter-ka aysan ahayn aragti rasmi ah oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda.Kainerugaba Muhoozi ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara madaxweyne Museveni oo 78 jir ah, oo dalka Uganda xukumayay in ka badan 35 sano.

VOA NEWS

Leave a Reply

Your email address will not be published.