TPLF ” Waan ogolnahay wada-hadalka Dowladda Abiy Ahmed laakiin….”

Adis Ababa (Raxanreeb ) Kooxda TPLF oo dagaal kala soo horjeeda Dowladd Abiy Ahmed ayaa marki ugu horeysay war ka soo saartay dadaalada la isugu keenayo kooxdooda iyo Dowladda Itoobiya.

Dadaalada la doonayo in la isugu keeno labada dhinac waxaa horkacaya Midowga Afrika si xal ay uga garaan colaadaha ka jira meelo badan oo dalka Itoobiya ah.

Qoraalka kasoo baxay TPLF ayaa looga dalbaday Midowga Africa in ay cadeeeyaan cidda lagu martiqaaday wadahadalladan, ka qaybgalayaasha, kormeerayaal iyo cidda dammaanad qaadi doonta, wixii kasoo baxa wadahadalladan.

Dadaalada la isugu keenayo kooxda TPLF waxaa la sheegayaa in ay hoggaamin doona Madaxweynayaashii hore ee Nageria iyo Kenya , iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfur Afrika .

Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iyo xoogaga Tigreega ee iska soo horjeeda inay wadahadal nabadeed ku yeeshaan waddanka Koonfur Afrika dhammaadkatoddobaadkan.

Dowladda Itoobiya iyo madaxda gobolka Tigrayga ee waqooyiga dalkaasi ayaa labaduba sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb galka wadahadallada uu dhexdhexaadinayo Midowga Afrika, si loo soo afjaro dagaallada

Leave a Reply

Your email address will not be published.