Maxaa keenay in Maanta MD Xasan Shir guddoomiyo Golaha Wasiirada?

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka qaybgalaya shirka golaha wasiirada oo ka dhacay xafiiska ra’iisulwasaaraha.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynaha oo shir gudoomin doona kulanka golaha oo lloga hadli doono arino xasaasi ah

.Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in shirka Golaha wasiirada maanta oo khamiis ah ka jeediyo arrimo ku saabsan xaalada dalka.

Waxaa uu soo hadal qaadi doona Madaxwayne Xasan Sheekh gulufka lagula jira kooxda Al Shabaab ee ka socda meelo ka mid ah gobolka Hiiraan.

Si la mid ah warbixino ku saabsan amniga iyo dagaalka ka dhan ah Al Shabaab ayaa la filayaa in Madaxwaynaha Soomaaliya uu ka dhagaysto laamaha amaanka Dowladda Soomaaliya.

Si kasta meelo ka mid ah dalka waxa ka bilowday howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo ay iska kaashayaan dad is abaabulau iyo ciidanka Dowladda

Leave a Reply

Your email address will not be published.