Muuse Biixi oo canaan kala kulmay beesha Caalamka

Muuse Biixi oo canaan kala kulmay beesha Caalamka

Hargaysa (Raxanreeb ) Saxiibada Caalamka ee Soomaaliya oo ka kooban Belgium, Canada, Denmark, Midowga Yurub, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Türkiye, UK iyo Mareykanka ayaa wada-hadal Khadka taleefonka kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Bayaan kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen dagaalka magaalada Laascaanood iyo sameynta xooggan ee uu ku leeyahay shacabka, sidoo kalena ay lasoo qaadeen walaaca ay ka qabaan doorashooyinka dib u dhacay ee Somaliland.

“Saaxiibada waxay xuseen in xaaladdan walaaca leh ay si dhab ah u saameyneyso wada-hadallada ku saabsan la-macaamilkooda Somaliland,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Saaxiibada ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha iyo iska hor-imaadyada sii socda ee Laascaanood, kuwaas oo hadda ku jira todobaadkii tobanaad. Saxiibada ayaa rajo ka muujiyay in amniga iyo badqabka shacabka ay u dub dhexaad u noqon doonaan dhammaan go’aannada siyaasadeed, waxayna carrabka ku adkeeyeen in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda, ciidamadana loo kala qaado goobo lagu heshiiyey.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray in saaxiibada caalamka ay ku celiyeen muhiimadda xaqiijinta marinada gargaarka bani’aadannimo iyo gaarsiinta caawimaadda ee kuwa u baahan.

Dhinaca kale, saaxiibada caalamka ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi kala hadleen muhiimadda horumar deg deg ah oo laga sameeyo doorasooyinka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.