Ceelbuur (Raxanreeb ) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgalka ciidanka Dowladda ay ku doonayso in gudaha ay ugu gasho degmada Ceelbuur oo ah saldhiga ugu wayn ee Al- Shabaab.
Degmada Ceelbuur ayaa ah meel aad ay ugu xoogan yihiin kooxda Al- Shabaab , waxaana isaga baxay halkaas sida wararka la helayo ay sheegayaan saraakiisha ugu saraysa kooxda Al- Shabaab.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in xubnaha Al- Shabaab ee ku sugan degmada Ceelbuur ay doonayaan qaarkood in lagu dagaalamo degmada halka kuwo kale ay qabaan in si nabad ah ay isaga baxaan degmada.
Hadalkan ayaa xoogiisa waxa uu soo baxay markii dhawaan ciidanka Dowladda ay la wareegeen deegaaano hoos yimaada degmada Ceelbuur oo hore ay ugu sugnayeen Al- Shabaab.
Kaba- ku takade oo Al- Shabaab u qaabilsan galgaduud ayaa warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inuu qabo fakar ah inuu dagaal la galo isagoo ku sugan sida la sheegaya deegaano ka mid ah gobolka galgaduud.
Waxaa la hadal hayaa in Kaba- ku- tukade iyo xubnaha kale ee ku sugan degmada Ceelbuur uu ka dhaxeeyo khilaaf xoogaan oo la xiriira xaalada degmada Ceelbuur inkastoo aysan jirin warar badan oo arintaas xaqiijinaya.
Si kastaba waxaa jira khilaaf ka dhashay oo qabashada degmada Ceelbuur kaas oo u dhaxeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Golaha shacabka ee ka soo jeeda degmadaas.
Khilaafka ka jira degmada hadda waxa uu u muuqda laba dhinac midi waa kan u dhaxeeya kooxda Al- Shabaab iyo kan la xiriira sida loo qabanayo degmada ee Dowladda Soomaaliya
Leave a Reply