‘’MW Xasan jooji safarada badan – shaki badan baa jira ‘’.

‘’MW Xasan jooji safarada badan – shaki badan baa jira ‘’.

Roma (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa Roma kaga qayb galaya shir ay martigalisay Taliyaaniga kaas oo ay qayb ka tahay  dowladda Itoobiya oo tan iyo kowdii bishaan aanu wanaagsanayn xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

Waxaa ka soo baxaya safarka Madaxwaynaha ee Roma warar kala duwan oo la xiriira waxa ay tahay in madashaas uu la tagi doono madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka Talyaaniga ee aad hadda u soco,waa mid la filayo in uu yimaado Abiye Axmed ee Itoobiya sidaas waxaa qabta Senator Maryan Farah oo ka tirsan aqalka sare ee Barlamaanka Soomaaliya.

‘’Markaan dib u eegay shirarkii hore ee Itoobiya,Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaa jira tuhun in Soomaaliya iyo Itoobiya Rome ku kulmi doonaan(Imaaraadkuna kama maqna arrinkaas) ‘’ ayay ku xustay qoraal ay soo dhigtay barteeda X.

Senator Maryan ayaa u dhigtay qoraalkeeda sida tan :

Waxaan ka digeynaa in uu halkaas ka dhaco kulan Doceed lala yeesho Itoobiya oo aan dib uga laaban Go’aankeeda gurracan.

Waxaa muuqata in aan shacabkeena runta loo sheegin,taasna waxaa sabab u ah diidmada in MOU-dii Itoobiya & Imaaraadka aan la horkeenin Labada Gole.

Waxaa kaloo shacabka iyo in badan oo jecel toosinta xukuumadda u cad xaqiiqada in aan runta laga sheegin Xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya;wax badan ayaa qarsoon oo aan daaha laga qaadin.

Madaxweyne,Itoobiyo hadday dalka qabsato,waxaa adkaan doonta sidii looga saari lahaa;hadda ayaa talo ku hortaal ee ummaadda midee,runta u sheeg,jooji Safaaradda keligaa ah, heshiis difaac oo Golayaasha la horkeeno la gal dowlad Soomaaliya u difaaci karta Dhulkeeda,Baddeeda iyo hawadeeda.

Madaxweyne,sidaan horey kuugu soo gudbiney, xilligii diyaarad raaca iyo diblomaasiyadu waa soo dhammaaday, soo kor Taangiga oo Ciidankaaga iyo shacabkaaga u diyaari difaaca Dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.